Ilo lagu kalsoon yahay ayaa Somalia Report soo gaarsiiyey in Shariif Xasan ku sugnaa huteelka Madoobe labadii maalmood ee lasoo dhaafay isagoo isku dayayey inuu ka dhaadhiciyo inuu iska casilo xilkiisa.
Iluhu waxay sheegeen, Sahriif Xasan oo ah siyaasi xariif uu udiray ergooyin ka socda baarlamaanka, waxgaradka Soomaaliyeed iyo qurba joogta Soomaaliyeed oo xiriir wanaagsan la leh Madoobe iyo Ilyaas Barre Shiil oo ah wakiilka Ra’iisul Wasaaraha Keenya Raila Odinga, inay Madoobe ku booriyaan inuu iscasilo.
“Labadii maalmood ee lasoo dhaafay, waxaa heshiis gaaray saraakiisha matelaya Shariif Xasan iyo Madoobe Nuunow,” sida isha warku xaqiijisay. “Heshiiska la gaaray waxaa ka mid ahaa in madoobe Nuunow uu lacag qaato oo uu iscasilo.”
Sidoo kale, xildhibaanada xukunka ka qaaday Shariif xasan soona doortay madoobe ayaa shirar gaar ah layeeshay Madoobe oo ku booriyey inuusan iscasilin.
Xildhibaan aan is magacaabin ayaa Somalia Report usheegay, “Waxaa maqalay in afhayeenku la xaajoonayo xildhibaan Shariif xasan. Waan kawada hadalnay arrintan waxaana Madoobe usheegnay inaan ka ogallaleyn inuu iscasilo. Waxaan rajeynaynaa in Shariif kusoo noqon afhayeen.”
Wuxuu kusii daray, “Waxaan ku baaqnay in Madoobe mideeyo baarlamaanka iyo dawlada. Waxaan kaloo codsanay in madaxweynaha iyo ra’iisul wasaarahu soo galaan oo ay caawiyaan.”
Inkastoo bulshada caalamka iyo IGAD ay taageersan yihiin Shariif Xasan, jadwiga siyaasadeed ee Soomaaliya waa sii qasmay markii xildhibaanada baarlamaanku arinta faraha la galeen oo ay Shariif xilkii ka tureen.