Dagaal kharaar ayaa dillaacay kadib markii ay al-Shabaab weerar gaadmo ah ku qaaday saldhigyo. Dagaalku wuxuu socday in kabadan saacad labada dhinacna waxay isdhaafsadeen rasaas culus.
"Wuxuu ahaa dagaalkii ugu cuslaa ee aan dhawaanahan aragnay: dawlada Soomaaliya iyo Keenyaanka ayaa haystay tuulada markay al-Shabaab soo weerartay iyaga," qof degan Dhamse ayaa u sheegay Somalia Report.
Guddoomiyaha al-Shabaab ee Gedo, Sheikh Cabbaas Cabdullaahi, ayaa dgaalka u xaqiijiyey Somalia Report wuxuuna sheegtay inay dileen darzino ciidamada DKMG.
"Mujaahidiintu waxay weerareen saldhigyada taageerayaasha kufaarka ee Dhamase waxayna dileen in ka badan toban...Mujaahidiintu waxay kaloo qabsadeen hub fara badan qoryaha boobaha iyo rasaas," ayuu usheegay Somalia Report.
Dadka degaanka ayaa yiri waxay arkeen afar mayd oo aan la aqoon kaliya, Maxamed Cabdi Kaliil oo ah wakiilka DKMG ee Gedo ayaa inkiray in khasaare soo gaaray dhinaca dawlada.
"Waxaan weerari doonaa saldhigyada al-Shabaab ee gobolka ilaa Baardheere," ayuu yiri.